Shirkad safar ah? Agent gaar ah? Waxaan kuu ogolaanaynaa akoon gaarkaaga ah oo aad ku gooyso tikidhyada macaamiishaada, ku hesho PDF otomaatig ah, kuna maamusho shaqaalahaaga — adiga oo leh logo iyo branding gaarkaaga ah.
Saddex tallaabo oo fudud ayaad ku bilaabi kartaa maamulka tikidhyadaada.
Ka hoosta bogga, buuxi magacaaga, shirkaddaada (haddii aad leedahay), iyo lambarkaaga.
Waxaan kula soo xiriiri doonaa lambarkaaga si aan u xaqiijino xogtaada oo aan kuu diyaarino akoonkaaga.
Ku soo gal akoonkaaga, bilow gooynta tikidhyada, oo si otomaatig ah u hel PDF-ka macaamiishaada.
Buuxi foomka hal mar, PDF-ka tikidhka si otomaatig ah ayuu u soo baxaa oo diyaar u ah in la daabaco/la diro.
Logo-gaaga, magaca shirkaddaada, iyo currency-gaaga ayaa ka muuqda tikidhyada iyo dashboard-kaaga.
Ku dar, joojin, ama tirtir agents-kaaga — mid kasta wuxuu leeyahay login gaarkiisa ah.
Eeg wadarta lacagta iyo tikidhyada, shaandhee taariikh/shaqaale, soo dejiso CSV.
Xogtaada (tikidhyada iyo macaamiisha) kama muuqato mana bedeli karo shirkad kale.
Dejiso currency-gaaga iyo faahfaahinta bixinta lacagta ee macaamiishaada.
Ha ahaato shirkad rasmi ah ama qof shakhsi ah oo agent u ahaan rabo, buuxi foomka hoose — waan kula soo xiriiri doonaa.
Si aad u hesho Username & Password aad ku gooyso tikidhada, fadlan ku soo dir lacagta akoonka Evc Plus / Hormuud nambarkan: 611444400. Kadib marka aad lacagta soo dirto, nagala soo xiriir WhatsApp-ka si akaunkaaga loo furo.